Warqad laga faafiyay bedqabka hawada Soomaaliya oo la beeniyay

Image
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa dadweynaha ku waanisay in ay ka fogaadaan faafinta warqadan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay warqad lagu faafiyay baraha bulshadda taas oo sheegeysay in Somaliland ay khalkhal-gelisay isticmaalka hawada.

Warqadaas la beeniyay ayaa waxay muujinaysay in ay soo saartay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.

Hase ahaatee, qoraal kale oo kasoo baxay isla hay'addan ayaa looga digay dadweynaha in ay sii faafiyaan.

"Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay wargelinaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed, inay tahay been abuur warqada halkan ku jirta, iyadoo uga digeysa cid kasta oo ku lug leh faafinta wararka been abuurka ah," ayay tiri.

Hay'adda ayaa intaas ku dartay: "Muwaadiniinta Soomaaliyeed waxay xaq u leeyihiin inay oggaadaan dhacdooyinka habboon, sidaa darteed warsaxaafadeed kasta oo aan lagu baahin baraha Hay’adda waa mid been abuur ah".

Dhanka kale, Somaliland ayaa sheegatay in ay khalkhal-gelisay isticmaalka hawada Soomaaliya taas badalkeedna ay uga aargudaneysay xayiraadaha ay Muqdisho kusoo rogtay hawadeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM