Wasiir Axmed Fiqi oo dhaleeceeyay muuqaal ay faafisay kooxda AS

Image
Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ayaa Talaadadii waxa ay soo bandhigtay filim dacaayad ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa dhaliilay muuqaal dacaayad ah oo ay dhawaan baahiyeen Al-Shabaab, kaasoo lagu soo bandhigayay tababarada iyo agabka maleyshiyada.

Wasiir Fiqi ayaa ku soo qoray X (Twitter-ka hore) in kooxda ay soo saareen muuqaalkan si ay ugu qariyaan "jabkooda" kadib markii dhowr jeer oo hore looga adkaaday furimaha hore ee dagaalka.

“Waxaan arkay qaar ka mid ah kooxaha argagixisada ah oo soo bandhigay muuqaal dacaayad ah & buun buunin, waxaa cadahay in ay daciifnimadooda ku qarinayaan filim si wanaagsan loo soo saaray," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Dhanka kale, ciidamada qaranka ayaa ah kuwa Al-Shabaab ku qasbay in dagaalameyaashooda isku ekeysiiyaan jileyaal filimada Hollywood-ka halkii ay noqon lahaayeen dagaalameyaal dhab ah".

Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ee Al-Shabaab ayaa Talaadadii soo bandhigtay filim dacaayad ah oo socday in ka badan saacadood, kaasoo muujinaya "Ciidan Gaar ah" oo ka soo qalin jabiyay "Akadamiyadda Tababarka ee Sheekh Osama Bin Laden".

Kooxda ayaa muuqaalkan sida weyn ugu faafay baraha bulshadda waxa ay ku turjuntay todoba luqadood, oo ay ku jiraan Soomaali, Ingiriisi, Carabi, Amxaari, Oromo, Swahili, iyo Faransiis taasoo loo arkay fariin buun-buunin ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM