Wasiir Cali Xoosh oo Amar dul-dhigay Maamulka Looga dhawaaqay Laascaanood

Image

LAASCAANOOD, Soomaaliya — Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cali Xoosh, ayaa digniin culus u diray maamulka cusub ee laga dhisay magaalada Laascaanood, isagoo uga digay inay taageero siiyaan kooxaha mucaaradka ku ah dowladda dhexe.

Wasiir Xoosh ayaa sheegay in shirkii lagu dhisay maamulkaasi uu si rasmi ah u soo dhammaaday, balse waxa uu ka digay in maamulkaasi uu albaabada u furo cid kasta oo kasoo horjeeda dowladda Federaalka.

Waxa uu xusay in mucaaradka ku sugan magaalada Muqdisho looga gacan haatinayo Puntland.

“Xamar mucaarad baa ka socota, agtiina bay imaan doonaan, deegaanadii aad ehelka ahaydeen[Puntland] ayaa looga durbaan tumayaa,” ayuu yiri Cali Xoosh. “Laascaanood waxaa imaan doona dadka taageersan dowladda Federaalka, agagaarkiina mucaaradka imaan doona waa inaad ka jawaabtaan.”

Wasiirka ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay maamulka cusub ee Laascaanood in ay si cad u muujiyaan mowqifkooda ku aaddan mowqifka dowladda, kana fogaadaan wax kasta oo khatar gelin kara xiriirka kala dhexeeya Villa Somalia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM