Wasiir Fartaag: Waxaa si buuxda gobollada dhaxe looga saaray doona kooxda AS

Image
Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dhawaan la dhameystiri doono wajiga 1-aad ee dagaalka AS

Muqdisho, Soomaaliya - Wasiirka Aminga Xukuumada Federaalka Soomaaliya Generaal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa sheegay in ay dardar ku socdaan howlgallada ka dhanka ah kooxda AS, kuwaas oo uu sheegay in guulo la taaban karo laga gaaray.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in howlgallada ay weli ka socdaan dhammaan Dowlad-Gobolleedyada dalka gaar ahaan Galmudug, Hirshabeelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Wuxuu carabka ku adkeeyay in la wiiqay awooda kooxda AS, billaha soo socdana laga saari doono deegaannada ay kaga harsan yihiin maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle sida uu hadalka u dhigay.

”Waxaa la xaqiijiyay in nimanku tabar iyo xoog midna lahayn, oo ay ahayd waxoodu argagixisanimo, boor isku qarin iyo waxaan loo joogin iyo caga-jugleyn, waxaan filayaa bishan bisheeda in iyadoo dalka Soomaaliya laga nadiifiyay AS inaan ku gaari doono”.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dhawaan dib loo dardargelin doono wajiga 1-aad ee dagaalka AS, kaas oo hakad galay isla markaana fursad u siisay kooxda inay sii xoogeysto sida ay qabaan dadka aqoon durugsan u leh arrimaha ammaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM