Wasiir Fiqi oo laga gudbiyay mooshin kalsooni kala laabasho ah

Image
Warsidaha Garowe Online ayaa helay nuqul kamid ah mooshinka laga gudbiyay Wasiirka Arrimah Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoonka golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inuu qabtay mooshin ay in ka badan 90 Xildhibaan ka gudbiyeen wasiirka arrimaha dibada ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.

Warsidaha Garowe Online ayaa helay nuqul kamid ah mooshinka laga gudbiyay Wasiirka Arrimah Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.

Mooshinka ayaa waxaa ku qoran “in wasiir Fiqi uu caddilay Shaqadii Wasaaradda o amuurihii maamulka iyo Shaqo maalmeedkiï Wasaaradda gabi ahaanba joojiyay isagoo sifo ku dhisan ku tagrifal awoodeed isku xiray Shaqo maalmeedkii Wasaaradda in isaga oggolaasho looga helo warqadda ugu yar ee Nola Ostada ah”.

""Fiqi wuxuu curyaamiyay shaqaddii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, isagoo ku amray ku xigeenadiisa iyo Agaasimaha inaysan saxiixin wax warqad ah mudada uu safaradda dibadda ku maqan yahay," ayaa lagu yiri warqad Mooshinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aabbe lagu eedeeyay inuu gubay afar carruur ah oo uu dhalay oo lagu xiray Hargeysa

Dadka Deriska ayaa xaqiijiyay in lammaanaha ay isla soo muuqdeen maxkamad subaxnimadii dhacdadu dhacday.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 06:07AM

Hal qof oo ku dhintay qarax miino oo ka dhacay magaalada Baraawe

Baraawe ayaa muddooyinkii dambe ahayd magaalo muhiim ah oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa AUSSOM ay si dhow u maamulaan.

  • Soomaliya

    09-11-2025

  • 08:11PM