Wasiir Xoosh iyo Gudoomiye Madaale oo hortagay baarlamaanka

Image
Labada mas'uul ayaa wax laga waydiiyay shaqooyinkooda gaar ahaan caqabadaha amniga iyo dib-u-heshiisiinta.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga arrimaha gudaha, amniga iyo maamul goboleedyada ee Golaha Shacabka baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa kulan su’aalo weydiin ah xafiiskiisa Villa Hargeysa kula qaatay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib U heshiisiinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Cali Yuusuf Cali (Xoosh) iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna duqa Magaaladda Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) waxaana kulanka shir guddoomineysay guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Fowsiya Maxamed Sheekh.

Ugu horeyn, wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho ayaa guddiga warbixin ka siiyay shaqooyinka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka gobolka Banaadir iyo sidoo kale qorshayaasha u degsan.

Intaasi ka dib, xubnaha guddiga ayaa wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho weydiiyay su’aalo ku saabsan shaqooyinka wasaaradda iyo maamulka gobolka Banaadir ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan oo ay ka mid yihiin xaaladda amaanka ee dalka gaar ahaan dhacdoiyinkii ugu dambeeyay ee magaaladda Muqdisho ka dhacay oo ay ka mid tahay weerarkii khawaariijta ku qaadeen xeebta Liido.

Dhinaca kale, wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ,federaalka iyo dib U heshiisiinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo guddoomiyaha gobolka banaadir Ahna duqa Magaaladda Muqdisho ayaa ka jawaabay su’aalo uu guddiga weydiiyay,waxa ayna sheegeen in ay dardar gelin doonaan shaqada ay qaranka u hayaan.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha guddiga arrimaha gudaha,amniga iyo maamul goboleedyada ee golaha shacabka Xildhibaan Fowsiya Maxamed Sheekh oo kulanka soo xirtay ayaa u mahadcelisay wasiirka arrimaha gudaha iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho,waxa ayna sheegtay in kulankan uu ka mid yahay isla xisaabtan uu guddiga la yeelanayo hay'adaha kor joogteyntoodu uu leeyahay kulamada kor joogeynta ahna sii socon doonaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM