Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay magacaabida tobban safiir

Image
Kulanka todobaadlaha ee Golaha Xukuumadda Federaalka ayaa lagu meelmariyay xubnahan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodi toddobaadlaha ahaa ku ansixiyay 10 Safiir oo dalkeenna uga howlgeli doona qaar kamid ah dalalka caalamka ee aan wadaagno xiriirka Diblumaasiyadeed.

Safiirrada la magacaabay waxa ay kala yihiin:

1. Cabdicasiis Maxamuud Maxamed (Farabadane)
2. Cabdullaahi Maxamed Sheekh Cabdullaahi
3. Cali Cabdi Awaare
4. Cali Maxamed Abuukar (Ali Wolf)
5. Bashiir Xasan Xaaji
6. Fathudin Cali Maxamed
7. Xuseen Cabdi Xalane
8. Khadiija Cosoble Cali
9. Khadra A Dualle
10. Ridwan Xirsi Maxamed

Kulanka Golaha oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sidoo kale lagu meelmariyay Habraaca Dhaqangelinta Xakameynta Hubka, Rasaasta iyo Waxyaabaha Qarxa, taas oo lagu xakameynayo dhibaatooyinka ay sababaan hubka iyo qaraxyada sida sharci darrada ah loo adeegsado.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, dib-u-habeynta dhakhliga, xogta heshiisyada dowladda iyo cayaarahii Dowlad goboleedyada dalka oo dhawaan si guul ah ugu soo ku soo idlaaday Muqdisho.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM