Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay magacaabida tobban safiir

Image
Kulanka todobaadlaha ee Golaha Xukuumadda Federaalka ayaa lagu meelmariyay xubnahan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodi toddobaadlaha ahaa ku ansixiyay 10 Safiir oo dalkeenna uga howlgeli doona qaar kamid ah dalalka caalamka ee aan wadaagno xiriirka Diblumaasiyadeed.

Safiirrada la magacaabay waxa ay kala yihiin:

1. Cabdicasiis Maxamuud Maxamed (Farabadane)
2. Cabdullaahi Maxamed Sheekh Cabdullaahi
3. Cali Cabdi Awaare
4. Cali Maxamed Abuukar (Ali Wolf)
5. Bashiir Xasan Xaaji
6. Fathudin Cali Maxamed
7. Xuseen Cabdi Xalane
8. Khadiija Cosoble Cali
9. Khadra A Dualle
10. Ridwan Xirsi Maxamed

Kulanka Golaha oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sidoo kale lagu meelmariyay Habraaca Dhaqangelinta Xakameynta Hubka, Rasaasta iyo Waxyaabaha Qarxa, taas oo lagu xakameynayo dhibaatooyinka ay sababaan hubka iyo qaraxyada sida sharci darrada ah loo adeegsado.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, dib-u-habeynta dhakhliga, xogta heshiisyada dowladda iyo cayaarahii Dowlad goboleedyada dalka oo dhawaan si guul ah ugu soo ku soo idlaaday Muqdisho.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Farmaajo: Xasan Sheekh wuxuu si ula kac ah ugu tuntay Dastuurka Soomaaliya

Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku kacay falal ka hor imaanaya dastuurka.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 09:45AM

Jubaland: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu Khatar Gelinayaa Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya

Waxay sidoo kale ugu baaqday beesha caalamka iyo saaxiibada caalamiga ah inay si dhab ah u taageeraan shacabka Soomaaliyeed.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 09:32AM