Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Khadka Taleefanka Kula Xiriiray Dhigiisa Ukraine

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Ukraine, Andrii Sybiha. Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, wada hadalka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal.

Dhanka kale, bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ukraine ayaa lagu sheegay in wada hadalka uu sidoo kale taabtay mowqifka Muqdisho ee ku taageeraya madaxbannaanida iyo dhul ahaanshaha Ukraine.

Wadahadalka ayaa ku soo beegmaya xilli safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya Ruushka, Maxamed Cabdulqaadir Zubeyr, uu soo gaaray magaalada Moscow si uu u bilaabo shaqadiisa diblomaasiyadeed.

Warkan ayaa muujinaya in Soomaaliya ay sii xoojineyso doorkeeda arrimaha caalamiga ah iyo xiriirrada kala duwan ee ay la leedahay dalalka waaweyn ee caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM