Wasiirka Difaaca Soomaaliya: Awoodda Al-Shabaab waxaan ku daciifinay duqeymo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Difaaca Cabdulkadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in Al-Shabaab si weyn loogu daciifayay howlgallada dalka qeybo kamid ah ka socda, islamarkaana aysan hadda khatar weyn ku hayn deegaanada ay maamusho dowladda Soomaaliya.

Cabdulkadir, oo si joogto ah u booqda ciidamada ku sugan jiida hore, ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ku guuldareysatay inay sii wadaan weerarada. Wuxuu intaas ku daray in hawlgallada joogtada ah ay dhammaantood wax weyn ka tari doonaan amniga dalka mustaqbalka.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulkadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in duqeymaha diyaaradaha ay si xun u daciifiyeen Al-Shabaab, isagoo ku faaney in Ciidanka Cirka dowladda ay fulinayaan duqeymaha, iyagoo adeegsanaya diyaarado helicopter ah oo dhawaan lasoo iibiyay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhowaan weerarro ka fulisay gobollada dhexe ee maamul goboleedka Hirshabelle, balse iskaashiga ka dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo Macwiisleyda gudaha ayaa ku guuleystay in kooxda laga saaro deegaanadaas.

Sidoo kale, in ka badan 20 dagaalyahan oo Al-Shabaab ka tirsan ayaa lagu dilay duqeyn hawada ah, taas oo ka dhacday deegaanka Ceel-Bacad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixinada dowladda.

Saraakiil iyo askar ayaa dowladda Soomaaliya looga dilay dagaalka Shabeellaha Dhexe, oo hadda sii xoogeystay, waxaana khatar ku jira deegaano horey AS looga saarey inay dib gacanta kooxda ugu laabtaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM