Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo diidey joojinta isticmaalka TikTok

Image
Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa adeegsigiisa bartan waxay sababtay in loogu yeero "Mr TikTok".

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Gaashaandhiga Soomalaiya u sheegay TV-ga Universal in labo todobaad kahor la xaqiijiyay in ay dhacdey xatooyada loo geystay raashiinka ciidamadda Danab.

Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo loo garan-og-yahay Jaamac ayaa waxa uu intaas kusii daray in qaar ka mid ah saraakiishii ku lugta laheyd falkaas lagu soo qabtay todobaad ka hor.

Jaamac oo horey usoo noqdey Sii-haayaha Agaasimaha Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya ayaa diiday in uu sheego tirada dadka u xiran xatooyada balse waxa uu qirtay in raashiinka lagu iibinayay suuqa.

Mar la weydiiyay mas’uuliyadda wixii dhacay, Jaamac ayaa sheegay in masuuliyaddu ay tahay heer unug. Tani waxay meesha ka saareysaa wararka xusaya in ay ku lug-leeyihiin madaxda Wasaaradda.

Wuxuu ku andacoodey in dhacdadaan ay ku soo beegantay xilli dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay horey ugu howlaneyd lasoo wareegitaanka mas’uuliyadda saadka ciidamada.

Dhanka kale, Wasiir Jaamac oo soo qabtey xilka Safiirka Soomaaliya ee waddanka Turkiga ayaa wuxuu xaqiijiyay in taageerada Mareykanka ee Danab ay sii socoto marka laga reebo raashinka.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, wasiir Jaamac oo wacad ku maray inuusan joojin doonin adeegsiga barta TikTok ayaa waxa uu ku doodey inay tahay goob lagu gudbiyo fariimaha lana tanaasuli doonin isticmaalkeeda.

Sikastaba ha ahaatee, Jaamac ayaa si weyn ugu soo shaac-baxay aalaaddan dabayaaqada sanadkii 2021-kii xilligaa soo uu iska soo duubay heesta 'Madaxaa na furan' taas oo u bixisay naaneesta "Mr TikTok".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM