Wasiirka Isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya oo su'aallo la waydiiyay

Image
Su'aallaha ayaa ku saabsanaa Shaqada Wasaaradda iyo howlaha baaxadda lah ee horyaalla.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga Warfaafinta, wacyi gelinta, Dhaqanka, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta kulan ku yeeshay xafiiskiisa xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa.

Waxaa kulanka shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Xildhibaan Mohamed Hassan Mohamed Abuukar (Murjaan) oo uu wahliyo Xoghayaha Guddiga Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimow iyo xubnaha guddiga.

Ajandaha kulanka ayaa waxa uu ahaa ahaa su’aallo waydiinta iyo la xisaabtanka Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu horeyn, Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Maxamed Aadan Macalin (Maxamed Soomaali )ayaa guddiga usoo bandhigay qorshe howleedka Wasaaradda, Sharciyada iyo xeerarka hortebinta u leh, isagoo guddiga uga mahadceliyay wada shaqeynta wanaagsan ee kala dhaxeysa.

Xubnaha guddiga ayaa wasiirka weydiiyay su'aalo la xiriira Shaqada Wasaaradda iyo howlaha baaxadda lah ee ay shacabka soomaaliyeed u hayso, Wasiirka ayaana ka jawaabay dhamaan su’aalihii uu guddigu waydiiyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dhaqaale Xumo iyo Isbeddelada Hoggaamineed oo Saameyn ku yeeshay Dagaalka Al-Shabaab

Dhibaatada Ciidamada dowladda ayaa muujineysa baahida loo qabo dib-u-habeyn dhameystiran oo ku saabsan hoggaanka.

  • Soomaliya

    16-05-2025

  • 09:14AM

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM