Wasiiro cusub oo ku biiray Golaha Xukuumada oo la dhaariyay

Image
Kulanka maanta ayaa xildhibaanadda waxa ay kusii amba qaadeen ka doodista hubka sharci darada ah.

MUQDISHO, Soomaaliya -  Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa xarunta golaha shacabka ku yeeshay kalfadhiga shanaad kulankiisa sideedaad, waxaana kulanka shir guddoominayay guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Kulanka maanta ayaa xildhibaanadda waxa ay kusii amba qaadeen ka doodista hubka sharci darada ah ,dagaal beeleedyada iyo dhowrista xasaanadda xildhibaanadda ajendahaas oo ay xildhibaanadda ka doodayeen labadii kulan ee ugu dambeeyay.

Xildhibaanadda Ajendahan aragtiyadooda ka dhiibtay ayaa aad uga hadlay dhibaatooyinka ay dagaal beeleedyada bulshadeena u leeyihiin iyo sida ay muhiim u tahay in la sameeyo qorshe kasta oo looga hortagi karo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in maanta lasoo gaba gabeeyay dooda ku saabsan hubka sharci darada ah, dagaal beeleedyada iyo dhowrista xasaanadda xildhibaanadda sidoo kalena arinta hubka loo xilsaaray guddi gaar ah si uu warbixin golaha ugu soo celiyo.

Sidoo kale guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay In arinta ku saabsan dagaal beeleedyada uu la wareegay guddiga ku shaqada leh si uu ugu guur galo wixii warbixin ahna golaha ugu soo celiyo.

Ugu dambeyn guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Dalka ayaa sheegay in arinta ku saabsan xasaanadda xildhibaanadda uu golaha kasoo saari doono xeer gaar ah.

GAROWE ONLIE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM