Xamse: Aabahey ayaa geel lahaan jiray aniga ayaa dameer leh ayaa ka fiican

Image
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hadalkan ka sheegay munaasabada 26-ka June oo ka dhacdey Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Hamza Abdi Barre, ayaa ugu hambalyeeyay guud ahaan ummadda Soomaaliyeed munaasabadda 26ka Juun oo ku beegan sanad guurada 64-aad ee ka soo wareegtey markii ay Gobollada Waqooyi Xorriyadda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, isla markaana calankeenna buluugga ah laga taagey dhul Soomaaliyeed oo xor ah.

"Waxaan caawa ugu hambalyeynayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed munaasabadda 26-ka Juun oo ku beegan sanad guurada 64-aad ee ka soo wareegtey markii ay Gobollada Waqooyi Xorriyadda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, isla markaana calankeenna laga taagey dhul Soomaaliyeed oo xor ah," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyay hadalkiisa: "Waxay mudan yihiin dadkii Soomaaliyeed ee xorriyadda keenay meel kasta ha joogaane, in la xaqiijiyo himillooyinkii ay ka lahaayeen halgankii xornimo u dirirka, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen dadka Soomaaliyeed oo mid ah, oo walaalo ah, oo hal calan iyo hal dowlad leh".

Ugu dambeyn, wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ayaa kusoo xiray hadalkiisa: “In aan marka la gaaro todobaadka xorriyadda ku raaxeysano heeso ah berri qaadeen wiilal iyo gabdho sax ma ahan. Aabahey ayaa geel lahaan jiray aniga ayaa dameer leh ayaa ka fiican. Horta annaga maxaan tarnay?".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM