Xamse Cabdi Barre oo sameeyay isku-shaandheyn kusoo aaday xili xasaasi ah

Image

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta ku dhawaaqay isbeddel ballaaran oo lagu sameeyay Golaha Wasiirrada, iyadoo wax ka yar hal sano ay ka harsan tahay muddada rasmiga ah ee dowladda Federaalka.

Magacaabistan ayaa timid iyadoo ay dalka ka socdaan weerarro sii kordhaya oo ay Al-Shabaab ka fulinayaan gobollada koonfureed iyo bartamaha Soomaaliya, taasoo culays ku kordhisay dowladda federaalka.

Wasiirka Difaaca oo loo magacaabay Axmed Macallin Fiqi Axmed Macallin Fiqi, oo ahaa wasiirkii arrimaha dibadda tan iyo bishii Abriil ee sanadkii hore, isla markaana hore u soo noqday agaasimihii hay’adda sirdoonka NISA, ayaa hadda loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga (Difaaca).

Fiqi ayaa si weyn ugu dhawaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna mar walba difaacayey aragtidiisa ku aaddan midnimada dalka iyo kasoo horjeedka gooni-isu-taagga Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo noqday CabdiSalaam Cabdi Cali

Cabdisalaam Cabdi Cali, oo lix bilood uun ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeen labaad, ayaa loo wareejiyay xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda. Cabdisalaam ayaa horey looga yaqaanay xagga diblomaasiyadda iyo xiriirka caalamiga ah, inkastoo khibraddiisa xagga siyaasadda gudaha aysan weli si buuxda u iftiimin.

Wasiirka Difaaca hore oo laga dhigay Ra'iisul ku-xigeenka 2aad

Jibriil Cabdirashiid Xaaji, oo ahaa Wasiirka Difaaca muddo ka yar hal bil iyo bar, ayaa hadda laga dhigay Ra’iisul Wasaare ku xigeen labaad waxuuna beddelay – CabdiSalaam Dhaay. Tani waxay muujineysaa is rog-rog weyn oo gudaha xukuumadda ka socda.

Isku shaandheynta oo kusoo aadeysa xilli xasaasi ah

Isku shaandheyntan ayaa kusoo beegmeysa xilli dowladda federaalka ay wajahayso cadaadisyo badan oo ay ugu waaweyn yihiin: dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, khilaafaadka gudaha dowladda, iyo hoos u dhaca kalsoonida shacabka iyadoo doorashooyinkii guud ee dalka la filayo sanadka 2026.

Waxaa weli la filayaa in Ra’iisul Wasaaraha uu isbeddelo dheeri ah sameeyo toddobaadyada soo socda, maadaama uu doonayo inuu adkeeyo safkiisa siyaasadeed kahor inta aan la gaarin sannadkii ugu dambeeyay ee xukuumaddiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM