Xamse oo isku dayaya inuu tago Kismaayo xilli uu diidan yahay Axmed Madoobe

Image
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maalmihiisa xukunka tirsamayaan maadaama uu lumiyay degaan doorashadiisa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wararka aan ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa muujinaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya la hadashay ciidamada ATMIS, iyaga oo u soo jeediyey in ay la wareegaan maamulka garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, oo ah magaalo madaxda ku-meel gaarka ah ee Jubaland.

Hase yeeshee, ATMIS ayaa sheegtay in aysan awoodin tallaabadan, maadaama mas’uuliyadda garoonka ay haatan ku jirto gacanta maamulka Jubaland.

Qorshahaan ayaa yimid ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu ku talojiro inuu booqasho ku tago Kismaayo.

Xogta ayaa sheegeysa in Ra’iisul Wasaaraha oo asal ahaan ka soo jeeda Jubaland uu damacsan yahay inuu ka horyimaado qorshaha Jubaland doorasho ku qabsaneyso taas oo horseedi karta qalalaase ciidan iyo mid siyaasadeed.

Waxaa xusid mudan in markii ugu dambeysay ee Jubaland doorasho ka dhacdo taasoo dib loogu doortey Madaxweyne Axmed Madoob ay dowladdii hore ee uu Madaxweyne Farmaajo madaxda ka ahaa isku dayday inay ciidamo Itoobiyaan ah geeyaan garoonka Kismaayo, taas oo ay ka hortageen ciidamada Jubaland.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa muujinaya in maamulka Kismaayo ay haatan shir degdeg ah ku jiraan, iyadoo la filayo in qoraal rasmi ah ka soo saaraan arrimahan soo kordhay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar, Turkiga iyo Jabuuti oo Cambaareeyay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty.

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 08:14PM

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay waqooyi-galbeed Nigeria, lana beegsaday maleeshiyaad la xiriira Daacish

Sida ay sheegeen ilo militari oo Mareykan ah, weerarka waxaa loo adeegsaday gantaallo…

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 12:06PM