Xamse: SSC-Khaatumo waa maamul rasmi ah, ma aha meel lagu muransan yahay

Image

LAASCAANOOD, Soomaaliya - Ra'iisal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku dhawaaqay in SSC-Khaatumo si rasmi ah loo aqoonsaday, islamarkaana ay tahay Maamul Soomaaliyeed oo katirsan dowadda Federaalka Soomaaliya.

"Waxaan cod dheer ku sheegayaa in SSC-Khaatumo ay tahay deegaanka iyo maamul Soomaaliyeed oo katirsan dowladda Federaalka, mana ahan meel lagu muransan yahay," ayuu yiri Xamse, isagoo ka hadlay xaflad Habeenkii Xamse loogu magac-daray oo xalay Laascaanood ka dhacday.

Sidoo kale, Xamse ayaa sheegay in SSC-Khaatumo ku casuuman tahay Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee ka dhici doona Muqdisho 1-da iyo 2-da bisha May, iyadoo ku mateli doono Hogaamiye Firdhiye, oo shirarkii hore aan laga qeybgelin.

SSC-Khaatumo ayaa la aas-aasay markii Laascaanood laga saarey Somaliland sanadkii 2023, iyadoo hadda maamulka ku jiro marxlad dhismaha hay'adihiisa kala duwan iyo xarumihii ay ku shaqeyn lahaayeen, waxaana Xamse uu dhagax-dhigay in ka badan 6 mashruuc, oo dowladda fulinayso.

Xasan Sheekh isagoo ka hadlayay Antalya Forum ee Turkiga ayaa sheegay in Xamse u aadey Laascaanood sidii uu u abuuri lahaa jawi-wadahadal oo SSC-Khaatumo iyo Somaliland heshiis uga gaarayaan dagaalkii Laascaanood, iyo maxaabiista ay ka lahaystaan.

Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ayaa la sheegay in aan lagu casuumin Jubaland, iyadoo Puntland oo casuumaad loo diray aan la ogeyn inay ka qeygali doonto, madaama ay jiraan khilaafyo siyaasadeed oo aan wali xal laga gaarin.

Beesha Caalamka ayaa doonaysay in shirka la ballaariyo oo laga dhigo wada-xaajood qaran oo dhinacyada siyaasadda u dhan yihiin iyo in laga qeybgeliyo wakiiladda ururada Bulshadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM