Xarun ay leedahay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo Cawa la qarxiyey

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaaa  caawa fiidkii hore xilliga afurka la qarxiyey xarun ay leedahay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ku taala agagaarka Daallo ee degmada Howlwadaag, ee magaalada Muqdisho. 

Qaraxaan oo sida la sheegay ahaa miino lagu aasay afaafka hore ee xarunta oo isugu jirta Laan iib oo macaamiisha shirkadda loogu adeego iyo BTS ayaa sida la xaqiijiyey geysan wax khasaaro nafeed ah, balse waxaa jira burbur xoogan oo gaaray dhismaha xarunta. 

Weerarkan  ayaa dhacay wax ka yar 24 saac kadib  qarax lala eegtay Box telephone oo ay leedahay shirkadda Hormuud oo ku yiilay tabeelaha Sheekh Ibraahim. 

Ilaaa hada Lama oga sababta loo beegsaday xaruntaan oo ay dadka dagankaas si wayn ugu tiirsanaayeen adeegyada ay bixiso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM