Xarunta Boqor Salmaan oo hirgelinaysa Masharuuca qaybinta Zakada Fidriga ee Sanadka 1446H -2025

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda Al-Mahaasin foundation, oo kaashanaysa Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani'aadamnimada, ayaa hirgelinaysa sanadkan 1446H - 2025 mashruuca Qaybinta Zakada Fidriga.

Mashruucan ayaa qayb ka ah dadaallada gargaarka ee kor loogu qaadayo nolol-wanaagga qoysaska danyarta ah iyo kuwa barakacay.

Mashruucan waxaa ka faa'iideysan doona 57,000 oo qoys oo danyar ah iyo kuwa ku jira xeryaha barakacayaasha ee gudaha dalka gaar ahaan gobalka Banaadir iyo degmooyinka qaar ee gobolka Shabeelada hoose.

Ujeedada mashruucan ayaa ah in la yareeyo culeyska nololeed ee qoysaska, loogana dhigo mid farxad leh maalmaha ciidda barakeysan ee Fidriga.

Mashruucan waxa uu sii xoojinayaa dadaallada Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani'aadamnimada ee ku aaddan taageeridda shacabka Soomaaliyeed, iyada oo la fulinayo mashaariic kala duwan oo daboolaya dhinacyada ammaanka cuntada, caafimaadka, waxbarashada, biyaha, iyo daboolidda baahiyaha aasaasiga ah ee dadka nugul.

Hay'adda Al-Mahaasin foundation ayaa si diiran uga mahadcelisay Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani'aadamnimada taageeradooda deeqsinimada leh iyo iskaashigooda joogtada ah ee hirgelinta mashaariicda gargaarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM