Xasan: Itoobiya ma rabto bad waxayse doonaysaa dhul ay qabsato

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Abiy Axmed uu ka diidey inay wadahadal ka galaan qaddiyadan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in aysan jirin cid u diiday Itoobiya inay badda gasho, laakiin su’aashu tahay sidee u doonayaa in aad badda u hesho?

Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in Itoobiya aysan raadinayn marinka badda balse ay doonayso “dhul ay qaadato”.

“Waxaan u sheegay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya – jooji hadalladan kicinta ah ee doonista badda - kaalay, aan wada hadalno. Aan samayno kooxo farsamo si ay uga wada xaajoodaan," ayuu u sheegay Al-Carabiya.

Wuxuu intaas ku daray: "Laakin ma uusan rabin in uu bad helo, waxa uu rabay dhul uu qabsado, taasi waa hadafka ugu dambeeya ee uu leeyahay, waana waxa uu ku sameeyay is-afgaradkan".

"Taas maaha wax la aqbali karo. Weligeed ma dhici doonto, waxaan kuu sheegayaa. Tani waa riyo (aan) weligeed noqon doonin mid dhab ah," ayuu kusoo koobay hadalkiisa.

Dhanka kale, isaga oo difaacaya is-afgaradka, Lataliyaha Amniga Qaranka ee Itoobiya Redwan Hussien ayaa Axadii beeniyay in dalkiisu uu qorsheynayo inuu dhul qasado.

"Heshiiska Is-afgaradka ee aan la galnay Somaliland, waa heshiis iskaashi oo Itoobiya u sahlaya inay fursad u hesho marin badeed dhinaca ganacsiga," ayuu ku qoray ciwaankiisa X (Twitter).

Waxa uu hadalkiisa intaas sii raaciyay: "[Balse heshiiskaas ma ahan] mid aan ugu xadgudbayno madax-banaanida dal walba ama aan ku qabsaneyno qeyb kamid ah [waddan madax-banaan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM