Xasan Sheekh: Dagaalka Al-Shabaab waa nagu adkaadey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wareysi uu siiyay Washington Post, ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ku adkaatay dagaalka Al-Shabaab, islamarkaana ay daal badan kala kulantay labadii sano ee lasoo dhaafay.

Wuxuu sheegay in awoodda dowladda ee dagaalka ay xadidan tahay, islamarkaana aysan Ciidamada haysan agabka iyo tasiilaadka ay u baahan yihiin, maadaama dalka uusan soo iibsan hub casri ah, islamarkaana askarta aysan gaarsiisnayn tababarkooda meel sare.

"Hadda dib u habeyn ayaan ku sameynaynaa Ciidamada, waxaana isku diyaarinaynaa dagaal ka dhan ah Al-Shabaab," ayuu yiri Xasan Sheekh, isagoo intaas ku daray in taageeradda Mareykanka muhiim u tahay dowladda.

"Waa adag yahay dagaalka, sababtoo ah awooddeena waa xaddidan tahay. Ka dib laba sano oo dagaal joogto ah, waxaanu la kulanay daal. Laakiin hadda waxaan dib u habeyn ku sameynaynaa ciidamadeena, waxaana socda olole cusub sida aan kula hadlaya," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Dowladda ayaa haysta caqabado badan oo ku aadan dagaalka, taasoo hakad gelisay howlgalkii socday, waxayna tani fursad siisay Al-Shabaab oo weeraro soo qaadey.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM