Xasan Sheekh: Dagaalka Al-Shabaab waa nagu adkaadey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wareysi uu siiyay Washington Post, ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ku adkaatay dagaalka Al-Shabaab, islamarkaana ay daal badan kala kulantay labadii sano ee lasoo dhaafay.

Wuxuu sheegay in awoodda dowladda ee dagaalka ay xadidan tahay, islamarkaana aysan Ciidamada haysan agabka iyo tasiilaadka ay u baahan yihiin, maadaama dalka uusan soo iibsan hub casri ah, islamarkaana askarta aysan gaarsiisnayn tababarkooda meel sare.

"Hadda dib u habeyn ayaan ku sameynaynaa Ciidamada, waxaana isku diyaarinaynaa dagaal ka dhan ah Al-Shabaab," ayuu yiri Xasan Sheekh, isagoo intaas ku daray in taageeradda Mareykanka muhiim u tahay dowladda.

"Waa adag yahay dagaalka, sababtoo ah awooddeena waa xaddidan tahay. Ka dib laba sano oo dagaal joogto ah, waxaanu la kulanay daal. Laakiin hadda waxaan dib u habeyn ku sameynaynaa ciidamadeena, waxaana socda olole cusub sida aan kula hadlaya," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Dowladda ayaa haysta caqabado badan oo ku aadan dagaalka, taasoo hakad gelisay howlgalkii socday, waxayna tani fursad siisay Al-Shabaab oo weeraro soo qaadey.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM