Xasan Sheekh iyo Xamse oo ogolaadey hub loo diray Laascaanood, xilli cabsi laga qabo dagaal

Image

Muqdisho – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre ayaa oggolaaday dirista hub iyo sahay ciidan oo habeenkii xalay la geeyay magaalada Laascaanood, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo xog ogaal ah. Tallaabadan ayaa laga digay inay abuurto colaad xili Villa Somalia taageerayso shir lagu wado in lagu dhiso SSC-Khaatumo, kaas oo Muqdisho laga soo qorsheeyay.

Dirista hubka ayaa ku soo beegmaysa iyadoo khilaaf xooggan uu ka taagan yahay gobolka kadib markii maamulka Puntland uu hor istaagay shir kale oo uu doonayay inuu qabto guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, kaas oo tegay degmada Ceelbuh isaga oo ay wehlinayeen malleeshiyo hubeysan. Cabdirashiid ayaa qorsheynayay inuu keeno ergayaal u socday isla shirka Khaatumo ee ka dhacaya Laascaanood.

Mas’uuliyiinta Puntland ayaa si adag uga hor yimid taageerada dowladda Federaalka ay siineyso shirka Laascaanood iyo dirista hubka, iyaga oo ku eedeeyay Villa Soomaaliya in ay faragelin toos ah ku hayso arrimaha gudaha ee Puntland, ayna jebinayso mabaa'diida Federaalka ee ku qoran Dastuurka KMG ah ee dalka.

“Tani waa tallaabo wax u dhimaysa kalsoonida siyaasadeed, waxayna khatar gelin kartaa xasiloonida gobolka Sool,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha la hadlay Garowe Onlin, oo codsaday inaan magaciisa la shaacin sababo la xiriira xasaasiyadda arrinta.

Arrintan ayaa sii hurinaysa khilaafka sii fidaya ee u dhexeeya maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka, xilli weli lagu muransan yahay hannaanka awood qeybsiga, dhismaha dowlad-goboleedyada iyo dib-u-eegista Dastuurka.

Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa ka digaya in dirista hubkan iyo taageerada la siiyay shirarka Khaatumo ay sababi karto iska horimaadyo hor leh haddii aan si wadajir ah loogu wajahin wadahadal iyo heshiis ku saleysan matalaad dhab ah iyo rabitaanka dadka deegaanka.

Dowladda Federaalka weli kama aysan bixin wax war ah oo rasmi ah oo ku saabsan hubka la geeyay Laascaanood ama taageerada ay siineyso dhismaha maamulka Khaatumo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM