Xasan Sheekh oo ammaanay dhexdhexaadinta Turkiga ee Soomaaliya iyo Itoobiya

Image
Mahadnaqan ayaa ka dambeysay markii wadahadalo dhanka telefoonka ah uu dhexmaray Xasan Sheekh iyo dhigiisa Recep Tayib Erdogan.

MUQDISHL, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Turkiga uga mahadcelisay doorka wanaagsan ee uu ka qaadanayo dhexdhexaadinta Dowladaha dariska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya, sidda ay sheegtay Villa Soomaaliya.

Mahadnaqan ayaa ka dambeysay markii wadahadalo dhanka telefoonka ah uu dhexmaray Xasan Sheekh iyo dhigiisa Recep Tayib Erdogan kaas oo dhankiisa Muqdisho ugu yaboohay taageero dheeri ah.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa wada-hadal telefoon ah la yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan dhinacyada tamarta iyo difaaca.

Madaxweyne Erdogan ayaa xaqiijiyay in Turkigu uu sii wadi doono taageerada uu u fidiyo Soomaaliya, isaga oo adkeeyay muhiimadda Turkigu uu siinayo madaxbanaanida, gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo taageerada howlgallada Ciidanka Qalabka Sida ee dabar-goynta argagixisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe: “Muqdisho Marti Kuma Nihin"

Axmed Madoobe ayaa ugu baaqey Madaxweyne Xasan Sheekh inuu kusoo biiro xal-u-raadinta Mushkiladaha haysta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 04:45AM

Deni: Kama Bixi Doono Muqdisho Ilaa Xal Kama Dambeys Ah Laga Gaaro Khilaafka Siyaasadeed

Hadalkaas ayaa imanaya xilli uu weli taagan yahay khilaaf u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 04:22AM