Xasan Sheekh oo casuumad rasmi ah u diray siyaasiyiinta mucaaradka

Image

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,  Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa casuumad rasmi ah u diray siyaasiyiin iyo hoggaamiyeyaasha bulshada, si ay uga qeyb qaataan Gogosha Wadatashiga Qaran ee lagu wado in lagu qabto 15-ka Juun 2025.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in casuumadda ay si gaar ah u saameyneyso madaxweynayaashii hore ee dalka, guddoomiyayaashii hore ee Baarlamaanka Federaalka, ra’iisul wasaareyaashii hore, madaxda hore ee dowlad-goboleedyada, ururrada siyaasadeed, bulshada rayidka, iyo siyaasiyiin kale oo muhiim u ah geeddi-socodka wadatashiga.

Gogosha Wadatashiga Qaran ayaa lagu wadaa in ay noqoto fursad lagu xoojiyo isfahamka siyaasadeed, dib u heshiinta iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah, iyadoo dowladda Federaalka ay waddo kulammo iyo wada-xaajoodyo gaar gaar ah oo lagu xaqiijinayo miro-dhalnimada shirkan.

“Ujeedada gogoshani waa in la abuuro jawi lagu mideysan yahay, laguna xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee caqabad ku ah horumarka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale ku baaqday in dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada ay ka qeyb qaataan gogosha si loo helo natiijo dhab ah oo salka ku haysa wadajir iyo is-aamin siyaasadeed.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa la sheegay in ka caga-jiidayaan ka qeybgalka kulanka, maadaama ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubaland, oo khilaaf uu kala dhaxeeyo Villa Somalia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Ciidamo lagu daadiyay Muqdisho kahor doorashada lagu muransan yahay

Mas’uuliyiin amni ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo looga hortagayo falal carqaladeyn kara doorashada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 02:07PM

Mareykanka oo sheegay in aan horumar laga gaarin amniga Soomaaliya

Wakiilka Mareykanka ayaa sidoo kale ku baaqay in dhammaan heerarka maamulka dalka — oo ay ku jiraan dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 09:38AM