Xasan Sheekh oo casuumad rasmi ah u diray siyaasiyiinta mucaaradka

Image

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,  Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa casuumad rasmi ah u diray siyaasiyiin iyo hoggaamiyeyaasha bulshada, si ay uga qeyb qaataan Gogosha Wadatashiga Qaran ee lagu wado in lagu qabto 15-ka Juun 2025.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in casuumadda ay si gaar ah u saameyneyso madaxweynayaashii hore ee dalka, guddoomiyayaashii hore ee Baarlamaanka Federaalka, ra’iisul wasaareyaashii hore, madaxda hore ee dowlad-goboleedyada, ururrada siyaasadeed, bulshada rayidka, iyo siyaasiyiin kale oo muhiim u ah geeddi-socodka wadatashiga.

Gogosha Wadatashiga Qaran ayaa lagu wadaa in ay noqoto fursad lagu xoojiyo isfahamka siyaasadeed, dib u heshiinta iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah, iyadoo dowladda Federaalka ay waddo kulammo iyo wada-xaajoodyo gaar gaar ah oo lagu xaqiijinayo miro-dhalnimada shirkan.

“Ujeedada gogoshani waa in la abuuro jawi lagu mideysan yahay, laguna xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee caqabad ku ah horumarka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale ku baaqday in dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada ay ka qeyb qaataan gogosha si loo helo natiijo dhab ah oo salka ku haysa wadajir iyo is-aamin siyaasadeed.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa la sheegay in ka caga-jiidayaan ka qeybgalka kulanka, maadaama ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubaland, oo khilaaf uu kala dhaxeeyo Villa Somalia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM