Xasan Sheekh oo dhambaal u diray Dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya

Image
Fariintan ayaa ku saabsan xiriirka labada dal, sidda lagu sheegay qoraal ay faafiyeen labada dowladood.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fariin qoraal AH u diray dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan, dhambaalka qoraalka ayaa ahaa mid la xiriira xoojinta xiriirka labada dal.

Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Arrimaha Siyaasadda ee Boqortooya Sacuudiga,Daljire Sacuud bin Maxamed Al-Sati ayaa maanta kusoo dhaweeyay Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Danjire Dahir Maxamuud Geele xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee magaalada Riyadh, kana guddomay dhambaalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan gaar ah magaalada Nairobi kula yeeshay Madaxa Bangiga Horumarinta Afrika Mudane Akinwumi Adesina.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa masuuliyiinta Bangiga Horumarinta Afrika u xaqiijiyey sida ay Soomaaliya uga go’an tahay dib u habeynta dhaqaalaha, isagoo ku booriyay madaxda Bangiga in ay laba jibaaraan dadaalkooda iyo maalgashigooda, si loo gaaro horumar iyo kobac waara oo ka hana qaada gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM