Xasan Sheekh oo fulinaya oraahdiisii “nin ilmo ka dhalaya xaas uu furay”

Image
Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa mar kale muddo kororsi siiyay dowlad goboleedyada koonfurta dalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale waxa uu muddo kordhin hal sano ah siiyey hogaamiyeyaasha dowlad goboleedyadda.

Go’aankan wuxuu qeyb ka yahay qodobada kasoo bixi doona shirka Villa Soomaaliya ay Muqdisho ugu qabatay qaar kamid ah maamulada Koonfurta Soomaaliya.

"Haddii aad war-murtiyeedka soo baxayo ku aragtaan dalka waxaa laga qabanayaa doorasho qof iyo cod macnaheedu waa in ay ku darsi sameynayaan," ayuu yiri qof xog-ogaal.

Natiijadan waxaa horey uga digay Puntland iyo Jubaland kuwaas oo sheegay in madaxwayne Xasan Sheekh uu sameynayo dastuur jebin iyo awood-maroorsi.

Madaxwayne Axmed Madoobe ayaa bishii hore ka baxay shirkan sabab ku aadan inuu diidey muddo kororsi iyo inuu doonayo doorasho dadban uu maamulkiisa qabsado.

Madaxweynaha ayaa maalmihii uu mucaaradka ahaa waxa uu in xukunka lagu soo joogo sharci daro u aqoonsanaa “nin ilmo ka dhalaya xaas uu furay”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM