Xasan Sheekh oo gaarey Turkiga kahor shirka Abiy Axmed

Image
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa Ankara u tagay ka qeybgalka wareegga saddexaad ee wadahalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa lagu soo dhaweeyey Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga, kadib casuumad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Recep Tayyip Erdoğan.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa
Ankara u yimid ka qeybgalka wareegga saddexaad ee wadahalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an ilaalinta madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelineysaa dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Turkiga dadaalkooda joogtada ah ee ku aaddan fududeynta wadahadalka iyo hoggaaminta geeddi-socodka lagu raadinayo xal waara oo laga gaaro arrintan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar, Turkiga iyo Jabuuti oo Cambaareeyay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty.

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 08:14PM

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay waqooyi-galbeed Nigeria, lana beegsaday maleeshiyaad la xiriira Daacish

Sida ay sheegeen ilo militari oo Mareykan ah, weerarka waxaa loo adeegsaday gantaallo…

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 12:06PM