Xasan Sheekh oo ganacsatada ka dalbaday in ay canshuurta bixiyaan

Image
Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa dhankooda ballanqaaday in ay kaalin weyn ku yeeshaan mashaariicda qaranka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo casho sharaf la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey sida ay u doonayaan hirgelinta qorshaha Muqdishada cusub oo beddeli doonta muuqaalka caasimadda.

Madaxweyne Xasan ayaa tilmaamay in mashruucan waddaniga ah uu yahay mid dhammaan ganacsatada Soomaaliyeed ay qayb muhiim ah ku yeelanayan, taas oo xaqiijinaysa in qorshahan uu noqdo mid Soomaali leedahay, oo berito ay ku faani karaan jiilasha soo socda.

Xasan Sheekh ayaa ganacsatada uga mahadceliyey kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin dalka, gaar ahaan doorka ay ka qaadanayaan kobcinta dhaqaalaha, shaqo abuurka, iyo xoojinta nabadda. Waxa uuna ku dhiirrigeliyey in ay si hagar la’aan ah u bixiyaan canshuurta, ugana qeyb qaataan dib u dhiska dalka.

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa dhankooda ballanqaaday in ay kaalin weyn ku yeeshaan mashaariicda qaranka, iyagoo ka duulaya qorsheyaasha lagu xoojinayo dib u dhiska iyo horumarka dhaqaale ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay waqooyi-galbeed Nigeria, lana beegsaday maleeshiyaad la xiriira Daacish

Sida ay sheegeen ilo militari oo Mareykan ah, weerarka waxaa loo adeegsaday gantaallo…

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 12:06PM

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM