Xasan Sheekh oo guddoomay dhambaal uga yimid dhigiisa Kenya

Image
Safiirka cusub Kenya ee Soomaaliya, Cyprian Kubai Iringo, ayaa fariintan soo gaarsiiyay Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Kenya ay u soo magacawday dalkeenna, Cyprian Kubai Iringo.

Danjire Cyprian Kubai oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud soo gaarsiiyey salaan iyo farriin uu kaga siday Madaxweynaha dalkiisa William Ruto ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyed uga mahadceliyey soo dhaweynta diiran, waxa uuna xusay in uu ka shaqeyn doono adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu hambalyeeyey Danjiraha xilka loo igmaday ayaa u rajeeyey in uu ka miro dhaliyo sidii uu xaqiijin lahaa gudashada waajibaadkiisa diblomaasiyadeed, waxa uuna xusay ahmiyada ay u leedahay Soomaaliya iyo Kenya iskaashi wadajir ah oo ku saleysan danaha labada dowladood iyo guud ahaan Gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM