Xasan Sheekh oo Hambalyo U Diray Madaxda Cusub ee Maamulka Loo Dhaawaaqay Laascaanood

Image

MUQDISHO - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh, ayaa hambalyo u diray maamulka cusub ee dhawaan laga dhawaaqay magaalada Laascaanood, iyadoo Cabdulqaadir Axmed Aw-cali loo doortay madaxweynaha, halka Cabdirishiid Yuusuf Jibriil uu noqday madaxweyne ku-xigeenka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey nidaamka doorashada, isagoo tilmaamay inay muujinayso horumar siyaasadeed iyo fahamka dimuqraadiyadda ee ku socda gobolka. Wuxuu kaloo xusay in musharrixiintii tartamay ay muujinayeen dedaal iyo masuuliyad, taasoo qeyb ka ah geeddi-socodka dimuqraadiyadda.

“Maamulka cusub wuxuu wajahayaa masuuliyad culus, waxaana rajeynayaa in ay noqdaan hoggaamiyeyaal mideeya bulshada, kana shaqeeya nabadda, horumarka iyo dhismaha dowladnimada,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale caddeeyey in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay in ay si buuxda u taageerto maamulka cusub ee Laascaanood, si loo xoojiyo hanaanka federaaleynta iyo danaha guud ee dalka.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka iyo hoggaanka cusub ee Laascaanood inay xoojiyaan midnimada iyo wadajirka, si loo gaaro horumar waara oo ku dhisan kalsooni, nabad, iyo wada-tashi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM