Xasan Sheekh oo Jarmalka u tagay ka qeybgalka kulan dood dhaliyay

Image
Dadka ka falceliyey kulankan ayaa sheegay in uusan gaarsiisaneyn mansabka madaxwayne.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Berlin ee caasimadda dalka Jarmalka ka dib markii uu martiqaad ka helay R/Wasaaraha Jarmalka, Olaf Scholz.

Madaxweynaha ayaa kulamo muhiim ah la qaadan doono Ra'iisul Wasaaraha dalka Jarmalka Olaf Scholz iyaga oo ka hada hadli doono xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya ee Jarmalka sida dib u soo nooleynta mashaariicdii farsamada gacanta, isbedelka cimilada, horumarnita booliska Soomaaliyeed, iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika iyo arimo kale.

Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalayo Shirweynaha Maalgashiga Afrika iyo Jarmalka,  oo muhiimad gaar ah u leh maalgashiga Soomaaliya, maadaama dalkeenu labadii sano ee la soo dhaafay ku guuleysatay arimaha deyn cafinta, la dagaalanka Argagixsada, ku biirista ururka iskaashiga Bariga Afrika.

Soomaaliya iyo Jarmalka ayaa leh taariikh soo jireen ah, waxa uuna safarka Madaxweynahu soo cilinayaq iskaashiga Jarmalka  oo ah dal muhiim u ah  Soomaaliya Taageerada  tooska iyo midda Midowga Yurub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM

Fahfaahin: Diyaarad siday 55 qof oo ku dhacday xeebta Muqdisho

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo taalla ciidda xeebta, meel ka baxsan xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 12:17PM