Xasan Sheekh oo ka hadlay Erdogan kadib weerarkii Ankara

Image
Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa shaacisay in labada hogaamiye ay kawada hadleen weerarkan khasaaraha badan dhaliyay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan ayaa uga tacsiyeeyay muwaadiniinta ku geeriyooday weerarkii argagixiso ee ka dhacay Ankara.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la qeybsanayaan xanuunka iyo muragada walaalahooda dalka Turkiga, isaga oo Eebbe uga rajeeyay caafimaad deg deg ah dadkii ay dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkii bahalnimada ee ka dhacay xarunta Warshadaha ee magaalada Ankara.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka iyo dowladda Turkiga ku adkeeyey in ay u midoobaan sidii ay uga hortigi lahaayeen dhacdooyinka noocan ah, waxa uuna Alle uga baryey muwaadiniinta Turkiga ee ku nafwaayey qaraxaas in Alle u naxariistiisto, samir iyo iimaanna uu ka siiyo ehelkooda iyo dowladdooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar, Turkiga iyo Jabuuti oo Cambaareeyay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty.

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 08:14PM

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay waqooyi-galbeed Nigeria, lana beegsaday maleeshiyaad la xiriira Daacish

Sida ay sheegeen ilo militari oo Mareykan ah, weerarka waxaa loo adeegsaday gantaallo…

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 12:06PM