Xasan Sheekh oo ka hadlay Erdogan kadib weerarkii Ankara

Image
Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa shaacisay in labada hogaamiye ay kawada hadleen weerarkan khasaaraha badan dhaliyay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan ayaa uga tacsiyeeyay muwaadiniinta ku geeriyooday weerarkii argagixiso ee ka dhacay Ankara.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la qeybsanayaan xanuunka iyo muragada walaalahooda dalka Turkiga, isaga oo Eebbe uga rajeeyay caafimaad deg deg ah dadkii ay dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkii bahalnimada ee ka dhacay xarunta Warshadaha ee magaalada Ankara.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka iyo dowladda Turkiga ku adkeeyey in ay u midoobaan sidii ay uga hortigi lahaayeen dhacdooyinka noocan ah, waxa uuna Alle uga baryey muwaadiniinta Turkiga ee ku nafwaayey qaraxaas in Alle u naxariistiisto, samir iyo iimaanna uu ka siiyo ehelkooda iyo dowladdooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM