Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Ciidanka Qaranka u adeegsanayo caburinta mucaaradka

Image

MUQDISHO – Iyadoo doorashooyin ay kusoo food leeyihiin Soomaaliya, ayaa mucaaradka siyaasadeed ee dalka waxay ku eedeeyeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu Muqdisho ka hawlgeliyay illaa 3,500 oo askari, si uu u xakameeyo mucaaradka iyo cid kasta oo kasoo horjeeda siyaasaddiisa.

Xildhibaan Maxamed Cali Caananuug oo ka tirsan baarlamaanka federaalka ayaa sheegay in xog sirdoon ay muujineyso in ciidamada gaarka ah loo adeegsanaayo caburinta codadka mucaaradka, halkii ay ku wajihi lahaayeen dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamadaas loo diyaariyay ka hortagga mudaharaadyo la filan karo in mucaaradku abaabulaan, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu sii wado dadaalka uu ugu jiro in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah – taasoo aan wali laga helin heshiis guud oo ay ku mideysan yihiin dhammaan dhinacyada siyaasadeed.

Muddada xilka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowaan dhacaysa, balse khilaaf xooggan ayaa ka taagan nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta.

Madaxweynaha ayaa horay wax ka beddel ugu sameeyay dastuurka, si uu u suurtageliyo doorasho toos ah, arrintaas oo ay diidan yihiin qaar badan oo mucaaradka iyo madaxda maamul goboleedyada ka mid ah.

Si kastaba, Garowe Online si madax bannaan uma xaqiijin karto tirada ciidamada la sheegay in la geeyay Muqdisho. Si lamid ah, waxay khubaro amni oo dalka u dhashay uga digeen in khilaafka siyaasadeed uu fursad siin karo Al-Shabaab, taasoo halis ku ah amniga guud ee dalka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa horey gacanta ugu dhigtay magaalooyin muhiim ah oo ay ka mid yihiin Moqokori, Mahas iyo Aadan Yabaal. Dhowaan, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ciidamo u diray Jubbaland, halkaasoo uu khilaaf doorasho uu kala dhaxeeyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Garaad Jaamac oo ka digay in Khilaafka Soomaalida uu fursad u noqdo Israel 

Hadalkan ayaa uu ka jeediyay munaasabad dhaqameed ka dhacday degmada Galdogob ee gobolka Mudug, Puntland.

  • Soomaliya

    08-02-2026

  • 01:44PM

Galdogob oo Sanado Kaddib Kulmisay Madaxda Puntland iyo Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa munaasabadda kula fadhiistay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    08-02-2026

  • 12:29PM