Xasan Sheekh oo lagu soo dhaweeyay magaalada Dhuusamareeb

Image
Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu kulamo muhiim ah la yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada.

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug, halkaasi oo uu ku soo dhaweeyay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu kulamo muhiim ah la yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada, si kor loogu qaado wada shaqeynta amni ee ka dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Galmudug.

Booqashadan ayaa ku soo aadeysa xilli ay Galmudug ka socdaan dadaallo lagu dhameystirayo howlgallada ka dhanka ah AS xilli dagaallo ay ka jiraan Koonfurta gobolka Mudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM