Xasan Sheekh oo lagu soo dhaweeyay magaalada Dhuusamareeb

Image
Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu kulamo muhiim ah la yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada.

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug, halkaasi oo uu ku soo dhaweeyay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu kulamo muhiim ah la yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada, si kor loogu qaado wada shaqeynta amni ee ka dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Galmudug.

Booqashadan ayaa ku soo aadeysa xilli ay Galmudug ka socdaan dadaallo lagu dhameystirayo howlgallada ka dhanka ah AS xilli dagaallo ay ka jiraan Koonfurta gobolka Mudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM