Xasan Sheekh oo loogu baaqay inuu saxo gaf uu sameeyay Fiqi

Image
Hadalka wasiirka arrimaha dibadda xukuumada federaalka ayaa la sheegay inuu sii kala qeybinayo bulshada Soomaaliyeed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Jaamac Maxamed Askar oo kamid ah Mudaneyaasha Gobolada Waqooyi ku matala baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u dhaleeceeyay hadalkii kasoo yeeray Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.

Jaamac ayaa waxa uu ugu baaqay madaxwagne Xasan Sheekh Maxamuud inuu dib u saxo hadalka kasoo yeeray Fiqi oo ui tibaaxay inuu yahay mid sii kala qeybinaya bulshadda Soomaaliyeed xilli ay haatan u baahan tahay midnimo.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA XILDHIBAAN JAAMAC

Waxaan cambaaraynayaa hadallada milgaha iyo walaatinimada Soomaaliyeed ka arradan ee uu caadaystay Wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Waxaad moodaa jug-soo-dhacay agnaan ka ah waayaha Soomaalidu soo martay ee kala irdheeyay. Wasiir Fiqi waxuu sitaa dubbihii lagu sii kala kaxaynayay laguna sii dhaawacayay rejadii laga qabay Soomaali isu soo hilawda oo dib u midowda.

Wasiirku ma is weydiiyay in isaga dad la caqli ah in ay sababeen in gobollada waqooyi gooni uga istaageen Soomaaliweyntii ay dhiseen 1960, markii la cumaamaday madaxweyne aan la ga la tashan 1991.

Ma ogyahay in dhaqdhaqaaqii SNM aannay marna ku tashan in dalka la ka la gooyo, bal se rag dubbaha uu maanta sita oo kale sitay kalifeen ka la irdhawga dadka Soomaaliyeed? Caqliyad nacayb qabyaaladdeed hagayo ma soo celin karto midnimadda dalka iyo is-ahaanshaha ummadda Soomaaliyeed.

Waa ayaan darro in qofkan oo kale xil culayskaa leh uu u hayo qaranka Soomaaliyeed.

Waxaan ugu baaqayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu saxo gefka weyn ee Wasiir Fiqi ku hayo midnimadda dalka Soomaaliyeed?

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM