Xasan Sheekh oo qabanaya Shir kadib markii Golaha Wadatashiga Qaran u bedelay Xisbi

Image

MUQDISHO – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u shaaciyay qabsoomidda shir-wadaag siyaasadeed qaran oo lagu qaban doono magaalada Muqdisho 15-ka Juun, 2025. Shirkaas ayaa la filayaa inuu isu keeno siyaasiyiin, odayaal dhaqameed, iyo daneeyayaal muhiim ah oo ka kala socda guud ahaan dalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in shirka uu yahay fursad lagu mideyn karo aragtiyada kala duwan, laguna falanqeyn doono arrimo qaran oo muhiim ah, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka, amniga qaranka, iyo dib-u-habeynta hay’adaha dowladda.

Qoraalkan ayaa yimid xilli siyaasadeed oo aad u xasaasi ah, kadib markii hoggaamiyeyaasha mucaaradka ay si wadajir ah u diideen qorshaha Villa Soomaaliya ay kusoo bandhigtay hannaanka doorasho ee la filayo. Iyadoo muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka harsan yahay wax ka yar hal sano, ayaa mucaaradku ku eedeeyay inuu damacsan yahay inuu muddo kororsi ku helo go’aanno hal dhinac ah oo aan loo dhammeyn.

Dhaqdhaqaaqan cusub ee Villa Soomaaliya ayaa imanaya iyadoo Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) uu si weyn u lumiyay kalsoonidii iyo doorkii uu lahaa. Golahaasi oo markii hore ahaa madal muhiim u ahayd wada-xaajoodka dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada ayaa haatan si weyn loogu arkaa mid burbursan, kadib markii saddex ka mid ah shanta dowlad-goboleed ay si siyaasadeed isula safteen xisbiga talada haya. Is-urursiga awoodda siyaasadeed ee hal dhinac ah ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo dhexdhexaadnimada iyo ka-qaybgalka dhammaan dhinacyada shirka la qorsheeyay.

Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay, maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa kor u sii kacayay dhaliilaha loo jeedinayo, gaar ahaan ku saabsan faragelin sharci-darro ah oo lagu sameynayo dastuurka ku meel gaarka ah, oo ay kamid yihiin isku dayo muran badan dhaliyay oo lagu doonayay in lagu beddelo qodobo muhiim ah iyada oo aan la helin is-afgarad qaran.

Sidoo kale, Villa Soomaaliya waxaa lagu eedeeyay musuqmaasuq baahsan, iyadoo kooxaha dabagalka iyo mucaaradka ay ku eedeeyeen inay xoogga isugu geeyeen maamulka maaliyadda iyo lunsashada hantida dadweynaha.

Dhaliil kale ayaa ah in ololihii milatari ee dowladda ay ku qaaday Al-Shabaab uu hoos u dhacay, iyadoo uu lumiayay taageeradii iyo saameyntii hore ee uu lahaa. Dad badan ayaa sheegaya in dowladda ay hoos u dhigtay mudnaanta dagaalka ka dhanka ah kooxdaas, iyadoo lagu mashquulsan yahay loolan siyaasadeed oo gudaha ah.

Shirka la filayo inuu dhaco 15-ka Juun ayaa loo arkaa inuu yahay isku day Villa Soomaaliya ay dib ugu raadineyso sharciyad siyaasadeed. Si kastaba ha ahaatee, lama hubin in shirkan uu dib u soo celin doono is-afgarad qaran ama uu sii kala fogeyn doono dhinacyada siyaasadda dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo la kulmay Beesha Caalamka – Xiriirka Qoraalka Xasan Sheekh iyo Kulanka?

Wararka ayaa sheegaya in qoraalkii shalay kasoo baxay Madaxweyne…

  • Soomaliya

    02-06-2025

  • 02:30PM

Al-Shabaab oo la Wareegtay Deegaanka Istiraatiijiga ah ee Xawaadley

Deegaankani wuxuu leeyahay buundo istiraatiiji ah oo isku xirta gobolka iyo koonfurta dalka, taasoo muhiim u ah isku socodka iyo saadka ciidan.

  • Soomaliya

    02-06-2025

  • 02:22PM