Xasan Sheekh oo safarkii afaraad ku tagay Kenya labo bil gudaheeda

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka qeybgalaya shir madaxeedka Shirka Bangiga Horumarinta Afrika. 

NAIROBI, Kenya - Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya si uu uga qayb-galo Shirka Bangiga Horumarinta Afrika. 

Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa ajendayaal ay ka mid yahiin wax-soosaarka  iyo ka faa'iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah, dib-u-habaynta qaab-dhismeedka maaliyadeed ee caalamka, isbadelka cimilada iyo wadatashiyo ku saabsan sidii loo heli lahaa ilo dhaqaale oo waara oo horumarineed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Nairobi, wuxuu kulamo gaar ah la yeelan doonaa madaxda Afrika iyo mas'uuliyiinta Bangiga Horumarinta Afrika, si loo dardar-geliyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo hay'adaha maaliyadeed ee caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM