Xasan Sheekh oo sheegay in Soomaaliya aysan doonayn dagaal ay la gesho Itoobiya

Image
Madaxweynaha ayaa wareysiga ku sheegay in Somaliland ay tahay gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

Dooxa (GO) - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sheegay wareysi uu siiyay Al-Carabiya in Soomaaliya aysan dooneyn in ay la dagaallamaan Itoobiya, balse haddii ay wax iska beddelaan uu dalkiisa ka jawaabi doono .

Madaxweynaha ayaa yiri: “Heshiiska is-afgaradka ah ee ay wada saxeexdeen maamulka Somaliland iyo Itoobiya ee ku saabsan in Itoobiya ay hesho deked badeed waa sharci darro, maadaama aanay jirin cid xaq u leh in ay dhul xoog ku qabsato.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in Somaliland ay tahay gobollada Waqooyi ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. wuxuuna intaas raaciyay: “Haddii ay Itoobiya joojin waydo tallaabooyinka ay qaadayso, waxaan u baahan doonnaa taageero ka imaanaysa dhinac walba, gaar ahaan Masar.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay in Itoobiya aysan doonayn dekad ganacsi, balse ay doonayso in ay qabsato dhul Soomaaliyeed, taasina aysan dhici doonin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM