Xasan Sheekh oo shirkad amni u sameystay shidaalka Soomaaliya

Image
Ciidamo si gaar ah loo tababaray ayaa waxaa la sheegay in ay qeyb ka noqonayaan shirkadan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay in maanta uu uu Xerada Balidoogle tababar ugu soo xirayo cutubyo kamid ah ciidamada kumaandooska Soomaaliyeed.

Cutubyadan oo ku biiraya kumaandooska loogu yeeray magaca Danab ayaa waxaa tababarkooda iyo qalabeyntooda si gaar ah u maalgelisay dowladda Mareykanka.

Dhanka kale, warar ayaa tibaaxaya in ciidamada loo xilsaari doono sugida ammaanka goobo laga qodayo shidaal ayna hoos-tagi doonan shirkad dhanka amniga ka shaqeysa oo uu si gaar ah u sameystay madaxwayne Xasan Sheekh.

Ciidamadan ayaa waxaa lagu waramay in ay si gaar ah usoo xulatay Madaxtooyadda Soomaaliya. Tani waxay abuurtey shaki xooggan oo ku aadan in loo adeegsan karo arrimo siyaasadeed taasoo mucaaradka ay walwalsan yihiin.

Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya hadana ah xubin ka tirsan Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Shariif Sheekh Axmed ayaa ka digay wax uu ku sheegay "ciidamadda uu sida gaarka ah u qortay Xasan Sheekh".

Tababarka uu madaxwayne Xasan Sheekh usoo xirayo ciidamadan ayaa waxa ay kusoo hagaagaysaa xilli dalka uu galay qalalaaso siyaasadeed oo ka dhashay fashil ku yimid Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka.

Burburka kulankan ayaa waxa uu ka dambeeyay markii madaxwaynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam uu ka biyo-diidey soojeedin ka timid Villa Soomaaliya oo ahayd muddo kororsi horleh oo maamulada helaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM