Xasan Sheekh oo u ambabaxay New York, kana hadli doona amniga dalka iyo xasuuqa Gaza
MUQDISHO, Soomaaliya: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta u ambabaxay magaalada New York si uu uga qeyb galo kal-fadhiga 80-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay (UNGA), halkaas oo uu kula kulmi doono hoggaamiyeyaasha caalamka si looga wada hadlo arrimo la xiriira amniga iyo caqabadaha caalamiga ah.
Shirka UNGA ee sanadkan ayaa qabsoomaya xilli hoggaamiyeyaasha caalamka lagu cadaadinayo inay si degdeg ah uga falceliyaan dhibaatooyinka waaweyn ee caalamka ka taagan, kuwaas oo ay ka mid yihiin: isbedelka cimilada, horumarka waara, iyo arrimaha amniga iyo xasilloonida, kuwaas oo noqday kuwo mudnaanta koowaad leh.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu muuqaal cad ka bixiyo horumarka Soomaaliya ka sameysay dhanka amniga, hannaanka dowlad-dhiska iyo dib-u-habaynta dhaqaalaha, isaga oo sidoo kale dalban doona taageero dheeraad ah oo caalami ah si loo sii xoojiyo dadaallada dowladda ee dhanka xasilloonida iyo horumarka.
Waxaa la rumeysan yahay in madaxweynuhu sidoo kale ka hadli doono colaadda u dhaxeysa Israa’iil iyo Falastiin, taasoo sababtay dhimashada kumannaan qof oo rayid ah oo ku dhintay Gaza iyo Daanta Galbeed. Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka sida cad u taageeray xalka laba dowladood, si loo helo nabad waarta oo gobolkaas ka hanaqaada.
Safarka madaxweynaha ayaa daba socda hadal kulul oo uu dhowaan jeediyay danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Danjire Abuukar Cusmaan, kaasoo si adag u cambaareeyay Golaha Ammaanka, isagoo ku tilmaamay in uu ku guuldareystay “mas’uuliyadihiisa anshaxa ah” ee la xiriira xasuuqa Gaza.
“Hadalkii Danjiraha Soomaaliya wuxuu si qoto dheer ugu dhawaajiyay dareenka dalalka xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka (E10), kuwaasoo soo jeediyay qaraarkii la diiday ee xabad-joojinta,” ayay tiri warbaahinta dowladda.
Inkasta oo Mareykanka uu adeegsaday veto si uu u hor istaago xabad-joojin sharci ah, haddana cod-bixintii 14-1 ee Golaha Ammaanka – iyadoo Soomaaliya ay taageertay xabad-joojinta – waxaa loo arkay guul anshaxeed oo xooggan, taasoo muujisay rabitaanka beesha caalamka ee ku aaddan nabad iyo caddaalad.
Dowladda Mareykanka ayaa wajahaysa cadaadis weyn oo lagu saarayo inay joojiso taageerada ay siiso Israa’iil, oo lagu eedeeyay inay ka dambeyso xasuuq baahsan iyo dhibaatooyin bani’aadanimo oo ka socda Gaza. Dalal badan ayaa hadda si rasmi ah u taageeraya xal laba dowladood ah, halka Mareykanku uu ku talinayo in shacabka Falastiin dib loogu dajiyo meelo kale oo dunida ah — arrin dhaleeceyn xooggan la kulantay.
GAROWE ONLINE