Xasan Sheekh oo u Safray Turkiga Kadib Fariin Uga Timid Erdogan 

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u ambabaxay safar shaqo oo uu ku tagayo Turkiga, kadib casuumaad rasmi ah oo ka yimid madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la kulmi doona dhiggiisa Turkiga, iyagoo ka wada hadli doona sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada militariga, amniga, iyo taageerada Soomaaliya ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.

"Safarkani wuxuu muhiim u yahay dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga ee lagu ciribtirayo argagixisada, iyadoo dowladda Soomaaliya ay go'aan ku tahay inay si adag ugu dagaalanto Al-Shabaab si loo xaqiijiyo xasilloonida, nabadda, iyo dib-u-dhiska dalka," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Soomaaliya iyo Turkiga waxa ay leeyihiin xiriir adag oo istaraatijiyadeed, kaas oo taabanaya qeybaha amniga, militariga, ganacsiga, dhaqaalaha buluugga, tamarta, iyo waxbarashada. Turkiga ayaa ah taageeraha ugu weyn ee Soomaaliya ee dhanka dhisidda awoodda militari, gaar ahaan tababarka ciidamada Soomaaliya iyo ka qayb qaadashada howlgallada ka dhanka ah argagixisada.

Sida laga soo xigtay wararka cusub, Turkiga ayaa dhawaan Soomaaliya gaarsiiyay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Akinci, kuwaas oo ah ballan milatari oo muddo sugayay oo kor u qaadaysa awoodda Soomaaliya ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Soo bandhigidda diyaaradaha Akinci waxay calaamad u tahay horumar weyn oo ku saabsan iskaashiga militari ee Soomaaliya iyo Turkiga, isla markaana waxay xoojineysaa joogitaanka istaraatijiyadeed ee Turkiga ee Geeska Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Raadinaya xilka Mar 3aad xili Dood Ka taagan tahay Dastuurka Soomaaliya

Xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya, ayaa si isdaba joog ah u carqaladeeyay fadhiyada baarlamaanka labada aqal.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 12:22PM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Kala Saxiixday Heshiis Difaac xili loolanka Gobolka xoogeystay

In si wadajir ah loo ilaaliyo marin-biyoodka Badda Cas iyo marinka istiraatiijiga ah ee Bab al-Mandab.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 06:29AM