Xiisadda doorashooyinka Jubaland oo isku rogtay gacan ka hadal

Image
Iska-hor-imaadka ayaa u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan Axmed Madoobe iyo Senator Gaboose.

KISMAAYO, Jubaland - Is-rasaaseyn dhexmartay Ciidamada Booliska Magaalada Kismaayo iyo Ilaalada Senator Ilyaas Gaboose ayaa ka dhacday agagaarka Hotel AGAN, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Iska horimaadka ayaa la sheegay in uu ka bilowday markii ciidamo ka tirsan Gaboose ay damceen in ay gudaha u galaan hotelka balse ay ka hortageen ilaaladiisa.

Senator Gaboose ayaa dhawaan ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Jubaland, isagoo taageero ka helaya Villa Somalia, taasoo sii xoojisay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan gobolka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid dagan balse waxaa jirta suurtagalnimada isku dhacyo kale iyadoo loollanka siyaasadeed ay dhexda u galeen is-qabqabsi ku aadan dhanka hogaanka maamulka.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa fariisin u ah maamulka Jubbaland ee hogaamiyo Axmed Madoobe kaasoo mar kale loo badinayo inuu kursiga sii joogi doono wixii ka dambeeya Nov 25 2024.

Kooxaha iska soo horjeeda iyo kuwa dibadda jooga ee ku loolamaya hogaanka Jubaland ayaa waxay kor u qaadeysaa suurtagalnimada in magaalada dhexdeeda lagu dagaalamo.

Dhaqdhaqaaqa Gaboose ee magaalada Kismaayo ayaa laga yaabaa inay sii xumeeyaan xiisadahaas, maadaama sida la aaminsan yahay ee uu Villa Somalia ula safan yahay loo arki karo inay caqabad toos ah ku tahay qabsoomida doorashooyinka maamulka Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM

Fahfaahin: Diyaarad siday 55 qof oo ku dhacday xeebta Muqdisho

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo taalla ciidda xeebta, meel ka baxsan xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 12:17PM