Xildhibaanno kasoo jeeda Somaliland oo si adag uga horyimid Aqoonsiga SSC-Khaatumo 

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Iyadoo uu socdaal ku joogo magaalada Laascaanood, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Axaddii shaaciyey in maamulka SSC-Khaatumo lagu casuumay ka qeybgalka Shirka Wadatashiga Qaranka ee ka dhici doono Muqdisho 1da iyo 2da May.

Go'aankan ayaa durba waxa si weyn uga horyimid xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee metela gobollada waqooyi [Somaliland], kuwaasoo ku tilmaamay arrintaas mid halis ku ah wadahadallada jilicsan ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo Somaliland.

Xildhibaannadu waxay sheegeen in ka qeybgalka SSC-Khaatumo uu dhaawacayo dadaallada socda, isla markaana uu abuuri karo kala fogaansho dheeri ah oo dhex mara dhinacyada. Waxay ku baaqeen in dowladda dhexe ay dib uga fiirsato go’aankeeda, si loo ilaaliyo wadahadalka ay kula jirto Somaliland.

Dowladda Federaalka weli kama aysan jawaabin cambaareynta ay jeediyeen xildhibaannada ka soo jeeda Somaliland, balse booqashada Ra’iisul wasaaraha ee Laascaanood ayaa u muuqata mid xoojinaysa xiriirka dowladda dhexe iyo SSC-Khaatumo.

Liiska magacyada Xildhibaanada diiday aqoonsiga SSC-Khaatumo:

ImageImage

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM