Xildhibaanno kasoo jeeda Somaliland oo si adag uga horyimid Aqoonsiga SSC-Khaatumo 

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Iyadoo uu socdaal ku joogo magaalada Laascaanood, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Axaddii shaaciyey in maamulka SSC-Khaatumo lagu casuumay ka qeybgalka Shirka Wadatashiga Qaranka ee ka dhici doono Muqdisho 1da iyo 2da May.

Go'aankan ayaa durba waxa si weyn uga horyimid xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee metela gobollada waqooyi [Somaliland], kuwaasoo ku tilmaamay arrintaas mid halis ku ah wadahadallada jilicsan ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo Somaliland.

Xildhibaannadu waxay sheegeen in ka qeybgalka SSC-Khaatumo uu dhaawacayo dadaallada socda, isla markaana uu abuuri karo kala fogaansho dheeri ah oo dhex mara dhinacyada. Waxay ku baaqeen in dowladda dhexe ay dib uga fiirsato go’aankeeda, si loo ilaaliyo wadahadalka ay kula jirto Somaliland.

Dowladda Federaalka weli kama aysan jawaabin cambaareynta ay jeediyeen xildhibaannada ka soo jeeda Somaliland, balse booqashada Ra’iisul wasaaraha ee Laascaanood ayaa u muuqata mid xoojinaysa xiriirka dowladda dhexe iyo SSC-Khaatumo.

Liiska magacyada Xildhibaanada diiday aqoonsiga SSC-Khaatumo:

ImageImage

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM