Xildhibaano mucaarad ku ah Maamulka Xasan Sheekh oo xayiraadda laga qaadey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa go’aan ku gaaray in dib loogu fasaxo 15-xildhibaan oo hore looga joojiyay ka qeyb galka fadhiyada guud ee kalfadhiga lixaad.

Xildhibaannadan ayaa hore looga hakiyay ka qeyb galka fadhiyada Golaha Shacabka kadib dhacdadii 27-kii bishii November ee sanadkii hore, taas oo keentay in qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka laga saaro fadhiyada.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa xildhibaannadaas u sheegay inay muhiim tahay inay ilaaliyaan dastuurka Qaranka, xeer hoosaadka Golaha Shacabka iyo dhaqanka suuban ee Soomaalida.

Sidoo kale, wuxuu ku booriyay in ay ka shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa wadashaqaynta iyo kala dambeynta Baarlamaanka, si loo gaaro horumar waara.

May be an image of text

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM