Xiriirka Soomaaliya iyo UAE oo laga shiray kadib toogashadii xero Gordan

Image
Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tagay xarunta Safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay galab waxa uu booqday xarunta Safaraadda Imaaraatka Carabta ee magaala madaxda Muqdisho.

Sidda lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa "kulan is-xogwareysi iyo tacsiyeyn ah la qaatay Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi".

"Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay ahmiyadda xiriirka soo jireenka ah ee labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo kobicinta dhaqaalaha," ayaa la raaciyay.

Is-araggan wuxuu daba socdaa toogashaddii maqribnimadii 10-ka Febraayo, 2024 ka dhacdey Saldhiga General Gordan ee Muqdisho halkaasoo saraakiil Imaaraati ah lagu laayay.

Dhacdadan lagu dilay saddexda askari ee u dhashay Imaaraadka iyo mid kasoo jeeda Bahraine ayaa daaha ka qaaday inuu wali jiro isku-milan iyo xiriir Al-Shabaab ku leedahay gudaha dowladda Soomaaliya, oo mishinada iyo meelaha ay galayaan u fududeeya.

Dowladda waxaa looga bartay inay iska indha tirto waxyeelada weerarada noocan ah, kuwaasoo khatartooda wata, islamarkaana sababi kara in aysan dowladaha saaxiibada caalamka aysan ku kalsoonaan askarta ay tababaraan.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in habka qorista askarta uu hareeyay habacsanaan, musuq-maasuq iyo hab ku dhisan qabiil. Inta badan waxaa askarta tababarka loo qaado damiin ka noqda Xildhibaanada.

Weerarka oo Khalkhal amni aan horay loo arag abuuray, waxaa ka sii walaac badan in ay jiraan askar badan oo horey AS u ahaa oo ka buuxa Ciidanka Soomaaliya, kuwaasoo halis ku ah Saraakiisha ajnabiga ee tababarada bixiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM