Xisbiga Sheekh Shariif oo eedo culus u jeediyay Xasan Sheekh

Image
Madaxweynaha Soomaaliya iyo xukuumaddiisu ayuu sheegay ku fashilmeen inay fuliyaan ballanqaadyadii tirada badnaa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xisbiga Himilo Qaran oo uu hogaamiyo madaxwaynihii hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa madaxwayne Xasan Sheekh waxa uu ku eedeeyay inuu dhalinyarada ku dhiiragelinayo in ay dalka ka tahriibaan kadib hadalkii uu ku dhaleeceeyay cabashada shiidka ee da’yarta ku nool Muqdisho.

HOOS KA AKHRISO WAR SAXAAFADEED XISBIGA

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu aad uga xun yahay una canbaaraynayaa hadalkii aan munaasabka ehayn ee kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud kaas oo uu ka jeediyay Masaajidka Madaxtooyada.

Madaxweynuhu wuxuu gef qayaxan kula kacay dhallinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan kuwa ku nool Muqdisho. Dhallinyaradu waxay ka cabanayaan, shaqo la’aan taasoo sababtay inay adkaato sidii dhallinyaradu ay ku heli lahaayeen nolosha aasaasiga ah ee qofku u baahan yahay, waana xaqiiqo aan la inkiri karin xaaladda guud ee dhaqaalaha waddanku meesha uu marayo.

Madaxweynaha iyo xukuumaddiisu waxay ku fashilmeen inay fuliyaan ballanqaadyadii tirada badnaa ee madaxweynuhu dhallinyarada uu u sameeyay iyo dhammaan ummada Soomaaliyeedba oo ay ka mid ahyd shaqo abuurka, waxaana ayaan darto ah in Madaxweynaha ay la noqotay in xalku ku jiro inuu dhallinyarada sharaftooda uu ku xad-gudbo oo ku sifeeyo wax aan u qalmin.

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu u arkaa inaysan mudnayn dhallinyaradu in loo qaybiyo saddexda nooc ee Madaxweynuhu u qaybiyay. Dhallinyaradu waa mustaqbalkii dalka waana hantida ugu qaalisan ee waddankaani leeyahay.

Xisbigu wuxuu u arkaa in hadalka Madaxweynu dhiirri gelinayo in dhallinyaradu ka tahriibaan waddanka. Waxaa kaloo hadalka Madaxweynaha laga dheehanayaa in dhallinyaradu ay ku biiraan argagixisada, taas oo ka dhigan niyad jabin iyo mustaqbalka dhallinyarada oo mugdi la geliyo.

Xisbigu wuxuu usoo jeedinayaa Madaxweynaha inuu raalli gelin ka bixiyo hadalka jaa’ifada ah ee uu ku sifeeyay dhallinyarada Soomaaliyeed. Madaxweynuhu waa inuu fahmaa shacabka dareenkooda ee uusan qiyaas ka qaadan oo kaliya xaaladdiisa dhaqaale iyo tan xukuumaddiisa oo kaliya.

Ugu danbeyn xisbigu wuxuu dhalinyaradda soomaaliyeed u soo jeedinayaa in ay laba jibaaraan dadaalka ay ugu jiraan hormarinta dalkooda iyo kaalinta ay ku lee yihiin dib u dhigiska dalka, una adkaystaan duruufaha adag ee ay ku noolyihiin. Xisbigu wuxuu u rajaynayaa dhalinyarada soomaaliyeed mustaqbal dhow oo ifaya.


GAROWE ONLINE

Related Articles

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM