XOG : Maxaa Keenay Dib U Dhaca Kulanka Madaxda Soomaaliya?

Image

MUQDISHO, (GO)- Xafiiska Ra'sial Wasaaraha Soomaaliya, ayaa qoraal ka soo baxey maalintii shalay waxaa dib loogu dhigay kulankii lagu casuumay madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya, kaasoo loo magac daray "Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ)". Kulankan, la qorsheeyay inuu qabsoomo 20-ka April 2024, oo lagu sheegey inuu u baaqdey arimo farsamo ayaa la filayey in madaxda dowlada Federalka Soomaaliya ra'yi caamka tusto in madaxda maamulada taageersan yihiin Dastuurka khilaafka dhaliyey ee cusub. 

Casumaadda degdega ah ee kulanka ayaa timi kadib markii warsidaha GO daabacay inuu jiro qorshe madaxda dowlad goboleedyada doonayaan inay soo saaraan qoraal wadajir ah oo ay ku diidan yihiin Dastuurka cusub.

Dastuurka cusub, oo ilaa cutubka afraad uu ansixiyay Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa markii hore waxaa si weyn uga soo horjeestay Puntland, halka madaxda dowlad goboleedyada kale ay ka aamuseen.

Khilaafka ugu weyn ayaa ku saabsan sida uu Dastuurka cusub awood u siinayo Dowladda Federaalka, gaar ahaan qodobbada sheegaya in dowladda federaalka ay maamuli doonto doorashooyinka madaxtinimo ee dowlad goboleedyada inta lagu guda jiro labada sano ee ugu dambeysa muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheikh. Arrintan ayaa si gaar ah u taabanaysa madaxweynayaasha maamul goboleedyada sida Koonfur Galbeed iyo Jubaland, kuwaas oo isku dayaya inay xilka dib ugu soo noqdaan.

Jubaland iyo KG ayaa marka loo eego labada maamul goboleed oo kale (Hirshabele iyo Galmudug) waxay inta badan xiliyada doorashooyinka muujiyaan iney ka madax banaan-yihiin fargalinta Villa Somalia madaama magaalooyinka kaliya ay ka taliyaan ay u ilaaliyaan ciidamo ajnabi ah. 

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe, oo muddo xileedkiisu gabagabo yahay, ayaa damacsan inuu ka saaro qodobka dastuurka maamulkaas ee dhigaya in Madaxweynaha la dooran karo labo jeer oo kaliya. Dhanka kale, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-Gareen, oo maamulkiisu ku sugan yahay Baydhabo kaliya, ayaa sidoo kale qorsheynaya inuu mar kale xilka isu caleemo saaro, isaga oo tartan adag kula jira siyaasiyiin awood badan leh oo taageero ka helaya Villa Somalia.

Dhanka kale khilaaf-yada siyaasadeed iyo amni ee ka jira maamul goboleedyada qaar, sida Hirshabeelle iyo Galmudug, ayaa isaguna qeyb ka ahaa caqabadaha hor yaalla kulankii Muqdisho ee la baajiyey. Hirshabeelle, oo magaalo madaxdeedu tahay Jowhar, ayaa waxaa ka go’ay gobolka Hiraan, halka Galmudug ay isku haystaan siyaasiyiin awood ku leh Villa Somalia iyo Madaxweyne Qoorqoor. 

Sababaha loo baajiyey kulankan ayaa sida ilo ku dhow xafiiska Madaxweynaha xuseen waxaa qayb ka ah Madaxweyne Xasan Sheikh oo diidan inuu aqbalo dalabka muddo kororsi ee ka yimid madaxda maamul goboleedyada qaar ka tirsan.  Dadka falanqeeya siyaasada ayaa qaba in codsiga madaxda maamulada doorashada u socda uu khatar ku yahay qorshaha siyaasadeed ee madaxweynaha marka la gaaro sanadka 2026.

Isku soo duub dib u dhigista kulankaan aya sida xeel- dheeryaasha siyaasada Soomaaliya qabaan waxay sii xoojinaysa go’aanka Puntland ee ah inay ka soo horjeeddo isbeddelka Dastuurka, iyadoo ku adkeysaneysa in GWQ uusan noqon karin mid jaangooya mustaqbalka Soomaaliya. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ciidamada Ruushka oo La Geeyay Saldhigga Niger Xilli Ay Joogaan Kuwa Mareykanka

Niger, oo ku taal gobolka Sahel ee Afrika, ayaa loo arkaa xudunta cusub…

  • Soomaliya

    03-05-2024

  • 01:00PM

Soomaaliya oo cashar ka baranaysa qorshaha horumarinta da’yarta ee Finland

Wasiirada Dhalinyarada labada dal ayaa yeeshay fadhi labo geesood ah kaas oo diirada lagu saarey qodobo kala duwan.

  • Soomaliya

    03-05-2024

  • 03:21AM