Xoolaha Soomaaliya oo suuq cusub ka helay waddanka Masar

Image
Xukuumadda Qaahira ayaa si bile ah u dhoofsan doonta in ka badan 10 kamid ah Ariga Soomaaliya.

DOOXA, Qadar - Masar ayaa xoolo badan ka dhoofsan doonta Soomaaliya iyo Jabuuti si ay ula tacaasho sare u kaca qiimaha hilibka dalkaas, waxna looga qabto gabaabsiga dhanka hilibka ee ka jira suuqyada dalkaas.

Axmed Hafez, oo ah madaxa ururka dhoofayaasha xoolaha Afrika ee Masar, ayaa xusay in “qiimaha ariga suuqyadda dalkaas uu u dhexeeyo $4.15 iyo $4.77 halkii kiilo".

"Tani waxay sababtay in cunista hilibka lo’da uu sare u kaco sababtoo ah waxaa kor u kacay dadka qurbaha iyo dalxiisayaasha ah, gaar ahaan kuwa ka imaanaya wadamada Khaliijka," ayuu raaciyay.

Laga bilaabo bishan, qiyaastii 15,000 ilaa 25,000 oo neef oo Ari iyo Ido ah ayaa bishiiba laga soo dhoofin doonaa deegaanka Safaga ee dalka Masar, halkaas oo karantiil lagu hayo xoolaha si degdeg ah loo gowraco.

Hafez waxa uu carabka ku adkeeyay taageerada wasaaradaha beeraha iyo sahayda ee Masar ay ku fududeynayaan shixnadahan iyo hubinta sahayda degdega ah ee suuqa.

"Badeecadahan la soo dejiyo waxay gacan ka geysan doonaan in hilibka lagu bixiyo qiimo macquul ah isla markaana ay xakameeyaan farqiga u dhexeeya wax soo saarka gudaha iyo cunista," ayuu raaciyay.

Ku tiirsanaanta Soomaaliya iyo Jabuuti ee dhoofinta xoolaha ayaa calaamad u ah isbeddel muuqda oo ku yimid istaraatiijiyadii Masar ee wax soo dejinta dibadda, taas oo markii hore si weyn diiradda u saartay Suudaan.

Si kastaba ha ahaatee, iska horimaadyada militari ee ka socda dalka Suudaan ayaa hakad geliyay wadooyinkii ganacsiga xoolaha ee soo jireenka ahaa waxaana fursad cusub helaya xoolaha Soomaaliya iyo Jabuuti.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dhaqaale Xumo iyo Isbeddelada Hoggaamineed oo Saameyn ku yeeshay Dagaalka Al-Shabaab

Dhibaatada Ciidamada dowladda ayaa muujineysa baahida loo qabo dib-u-habeyn dhameystiran oo ku saabsan hoggaanka.

  • Soomaliya

    16-05-2025

  • 09:14AM

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM