Xubin ka tirsanaa AS oo isku soo dhiibay Ciidanka xoogga dalka

Image
Mudooyinkii ugu dambeeyay xubno badan oo ka tirsan AS ayaa isku soo dhiibay ciidamada dowladda.

Muqdisho, Soomaaliya - Waxaa maantta isugu soo dhiibay ciidanka xoogga Soomaaliya, gaar ahaan guutada 8-aad ee qeyb 60-aad xubin ka tirsan kooxda “AS” lagu magacaabo Maxamed Ibraahim magaciisa af-garashada ahaana Najiib

Najiib ayaa hore uga qeyb qaatay weeraro ay qaadday kooxda ‘AS’, isla markaana howlgallo ka fuliyay xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

“Waxaan tababar ku soo qaatay deegaanka Saakow ee gobolka Jubadda Dhexe, halkaas oo qeyb kaga ahaay malleeshiyaad ku biiray kooxda “AS”.” ayuu yiri Najiib oo wareysi siiyay warbaahinta Ciidamada.

Mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa xubno badan oo ka tirsan AS isku soo dhiibeen ciidamada dowladda, iyadoo ay kordheen duqeymaha dhanka cirka ah ee lagu hayo goobaha ay ku sugan yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamo mucaarad ku ah Lafta-Gareen oo la wareegay Qansaxdheere 

Xaaladda Qansaxdheere ayaa weli ah mid kacsan, waxaana jira cabsi xooggan oo ay dadka rayidka ah ka qabaan in markale uu dagaalku dib u qarxo.

  • Soomaliya

    14-03-2026

  • 02:11PM

Qarax khasaare u geystay ciidanka difaaca Puntland oo ka dhacay gobolka Bari

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayso walaaca laga qabo habsami u socodka hawlgallada Puntland.

  • Soomaliya

    13-03-2026

  • 07:10PM