Xukuumadda Soomaaliya oo xayiraad saartey horjoogeyaal AS ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga la dagaalanka lacagaha dhaqista ee Soomaaliya ayaa soo saaray liis cusub oo cunaqabateyn ah oo lagu beegsanayo sideed ka mid ah horjoogeyaasha Al-Shabaab.

Waxaa liiska ugu sarreeya ku xigeennada amiirrada Abuukar Cali Aadan iyo Mahad Karatee.

Saddex hogaamiye oo ay ka mid yihiin taliyaha amniyaadka Maktaab Yuusuf Axmed Nuunow Geesacadde, taliyaha nabad sugidda gobolka Cabdikariim Cismaan Jilacow (Mustaf Caato) iyo taliyaha jabaatka Mudug Nuur Cabdi Rooble Nuunule ayaa kasoo muuqdey liiska.

Hay’adaha ammaanka ayaa lagu amray inay xayiraan hantidooda, sidda ku cad qoraalkan oo nuqul kamid ah heshay Garowe Online.

Dadweynaha ayaa looma faray inay iska ilaaliyaan la macaamilka xubnahan, oo ay ku soo wargeliyaan wixii macaamil ah oo ku lug leh xarunta warbixinta maaliyadeed.

Shaqsiyaadka kale ee liiskan lala beegsaday ayaa kala ah Maxamed Mire (Gobolada), Xasan Yacquub (Shura), iyo Bakar Baashe Aadan oo loo yaqaan Shariif (Zakawat).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM