Yaa damaanad-qaadey Amniga Xamse inta uu booqashada ku joogo Laascaanood?

Image

LAASCAANOOD - Maamulka SSC-Khaatumo ayaa sheegay in ay si buuxda u sugayaan ammaanka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, inta uu ku sugan yahay magaalada Laascaanood, iyadoo digniino ka soo baxayaan maamulka Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta ee SSC-Khaatumo, Najiib Barkhadle Warsame, ayaa beeniyay hadallo ka soo baxay Wasiirka Warfaafinta ee Somaliland, Axmed Yaasiin, oo ku eedeeyay dowladda federaalka in ay kicinayso colaada gobolka Sool, islamarkaana ay usoo dirtay Ra'iisulWasaare Xamse.

Wasiir Najiib ayaa intaas ku daray in ciidamada SSC-Khaatumo ay diyaar u yihiin, isla markaana ay awood u leeyihiin inay soo dhoweeyaan dhammaan madaxda federaalka.

Isniintii, Wasiirka Warfaafinta ee Somaliland ayaa uga digay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya inuu booqasho ku tago Laascaanood. Waxa uu sheegay in magaaladda ay weli ka tirsan tahay dhulka Somaliland, isagoo ka digay cawaaqibka ka imaan kara haddii booqashada ay sii socoto.

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa adkeeyay amniga Laascaanood oo ay la wareegeen bilowgii sanadka 2023, kadib kacdoon dadweyne oo lagu qasbay ciidamada Somaliland inay ka baxaan magaalada. Tan iyo waqtigaas, SSC-Khaatumo ayaa ku dhawaaqday in ay hoostagto dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo raadineysa aqoonsi.

Wafdi hordhac u ah Xamse iyo Ciidamada amnigiisa ilaalinaya ayaa gaarey magaaladda, waxaana la filayaa in isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha la joojiyo, si looga hortago falal wax u dhimi kara xasiloonida.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa loo arkaa in ay tahay muujin muhiim ah oo midnimo iyo taageero federaal ah u ah maamulka SSC-Khaatumo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM